Somaliya iyo Interpol oo ka wada Hadlay danbiyada ka dhaca Muqdisho

November 05, 2015 (Daljir) — Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxaa uu kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Boliiska Adduunka Interpol Mr. Jűgen Stock.

Labada Mas’uul oo ay si wada jir ah uga qeybgalayan shirka Interpol ee ka socda Kigali ayaa kulankooda waxay kaga hadleen xaaladaha dalka Soomaaliya,Sidii Boliiska Soomaaliyeed looga caawin lahaa sare u qaadista doorka uu ku leeyahay Ururka Interpol,In Soomaaliya laga cafiyo ama laga dulqaado lacagta sanadlaha ee qoondada ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Ururka wixii ka horreeyey 2013, tassoo Soomaaliya lagu leeyahay lacag badan oo uu hadda awoodin Boliiska Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen In laga tixgeliyo Soomaaliya dhanka tababarrada kala ee la xiriira dembiyada kala duwan, In si dhaqsi leh loogu hagaajiyo qalabka i 7/24 ee lagula xiriiro xubnaha ururka oo muddo dheer ka halleysnaa.

 By: Jaamac Cabdurahman

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com