Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay bilaabeen howlgallo lagu qab qabanayo dad ay soomaali ku jiraan gaar ahaan kuwa aan Sharciga heysan ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.
Goobha ay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah goobaha Ganacsiga Soomaalida,sida Dukaamada Dharka,kuwa lagu Iibiyo Alaabaha kala duwan,waxaana dadka la xirey ku jira Milkiilayaasha goobaha Ganacsi.
Dadka la xirey ayaa waxaa ay isugu jiraan Soomaali iyo Itoobiyaan,waxaana Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ay Warbaahinta dalkaas u sheegeen in dadka aan Sharciga heysan la siinayo Warqado u fududeynaya inay helaan Sharci.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa waxaa digniin kama dambeys ah ay siiyeen Milkiilayaasha Hoteelada, iyagoo uga digay in qof aan sharci wadan ay ka kireeyaan Hoteeladooda.
COMMENTS
WAYSKA CAADI ARINKAASI SOMALOIDANA WAA LAGA GAR LEEYAHAY.
SOMALIDA XAQ BAA LOOGU LEEYAHAY INAY ILAALIYAAN SHURUUCDA DALKAAS OO AY RAADSADAAN WARAAQAHA AY KUJOOGAAN DALKA,GANACSIGUNA WAA INUU OGOLAANSHO LEEYAHAY,LIISAN,CANSHUURTANA BIXIYAAN.
SOUTH AFRICA HIILKII AYNU U HIILINAY WELI DUNIDA QAAR BAA NOOGU CARAYSAN!!!.
WAA MEELAHA NALAKA RAACAY!!!!KKKKK.-SOMALIDU ARAGTI AHAAN WAA DAD AFRICANKA
KA HOREEYA,WAXAYNUNA KA HORAYNAA 100 SANO,..
SOMALIDU WAA DAD ARAGTI DHEER.