Tirada Soomaalida Geeska Afrika 50 Milyan ma ka Badanyihiin mise waa ka Yaryihiin?
Maxkammada Sare ee Kenya ayaa diiday natiijada tirakoobka Soomaalida Kenya oo la tirakoobay xilligii Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee sannadkii 2019. Uhuru ayaa lagu eedeeyey in uu si kutalagal ah u amray in tirakoobka Soomaalida hoos loo dhigo.
Tirakoobkii Soomaalida Kenya ee sannadkii 2019 ayaa ahaa 2,780,502. Maxkamadda Sare ayaa haatan amartay in mar kale la tirokoobo Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer. Dadka qaar ayaa qiyaasaya in Soomaalida Kenya aysan ka yareyn 5 milyan.
Xilligii Madaxweyne Kibabki sannadkii 2009 ayaa sidoo kale Soomaalida loo xaqiray.
Tirada rasmiga ah ee Soomaalida Kenya oo si sax loo tirokoobo waxa ay keenaysaa in awoodda Soomaalida ee dalka Kenya ay ayana kor u kacdo, dhaqaalaha iyo mashaariicda deegaanadana kor loo qaado.
SOOMAALIDU WAA KA TIRO BADANTAHAY 30 MILYANKA LA SHEEGO
Tirada Soomaalida Geeska Afrika 50 Milyan ma ka Badanyihiin mise waa ka Yaryihiin?
Maxkammada Sare ee Kenya ayaa diiday natiijada tirakoobka Soomaalida Kenya oo la tirakoobay xilligii Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee sannadkii… pic.twitter.com/1JjwOzCqQO
— Daljir Media (@radiodaljir) January 29, 2025
Tirakoobka Soomaalida Itoobiya ayaa sida Kenya ayana hoos loo dhigaa si aysan Soomaalidu marnaba u helin xaqooda.
Tirokoobkii Soomaalida Itoobiya ee ugu danbeeyey wuxuu ahaa sannadkii 2007, kaas oo tirada Soomaalida Itoobiya ku qiyaasay 4.6 milyan, laakiin tirada Soomaalida Itoobiya ayaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 10 milyan, ugu badnaana 15 milyan.
Tirakoobka muwaadiniinta Soomaaliya ayaa asna 30kii sano ee la soo dhaafay marna kor u dhaafin 20 illaa 25 milyan, marnana ma dhicin in la helo dawlad si rasmi ah isugu taxalujisa tirakoobka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
> Daljir Media
COMMENTS