Soomaaligii u horeeray oo Coronavirus ugu geeriyooday dalka Koofur Afrika

Soomaaligii u horeeray oo Coronavirus ugu geeriyooday dalka Koofur Afrika

Waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ku geeriyooday muwaadinkii u horeeyay oo Soomaali ah, lana xanuunsanaa cudurka Coronavirus ee COVID-19.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Nabadoon Cali Kheyre (Cali Xaashi) ayaa maalmihii la soo dhaafay la xanuunsanayay cudurkan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika Khaliif Xuseen ayaa xaqiijiyay in Nabadoon Cali Kheyre uu u geeriyooday cudurkaas Corona.

Waa muwaadinkii u horreeyay ee Soomaaliyeed dalka Koofur Afrika u geeriyooda Coronavirus.

Cudurkan safmarka ah ayaa adduunka oo dhan saameyn ku yeeshay, waxaana u geeriyooday kumanaan kun oo ruux, Soomaali badan ayaa u geeriyooday cudurkan oo ku noolaa dalalka UK, Sweden iyo kuwa kale.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com