Wararka naga soo gaaraya magaalada laas-Caanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Diyaarad siday gar gaar Caafimaad loo diiday in ay ka dagto garoonka diyaarada ee magaaladaasi .
Daawooyinkan ay siday Diyaaradan ayaa loogu talagalay in lagaarsiiyo dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, kuwaas oo kujira Isbitaalka wayn ee magaalada laas-Caanood.
Deeqdan ayaa waxa ay ka timid dowladda fadaraalka Soomalaiya waxaana diiday in ay laga dajiyo maamulka Soomaaliland.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo haatan dhanka dowladda Soomaaliya .
COMMENTS