Soomaaliya iyo Ukraine maxay isaga mid yihiin, maxay se ku kaladuwan yihiin?

Soomaaliya iyo Ukraine maxay isaga mid yihiin, maxay se ku kaladuwan yihiin?

Soomaaliya iyo Ukraine maxay isaga mid yihiin, maxay se ku kaladuwan yihiin?

In kasta oo xaaladahoodu aad u kaladuwan yihiin, labada dal ee Soomaaliya iyo Ukraine ayaa dal walba wajahayaa xaalad adag oo halis ah, qarkana u saaran in dal ahaan iyo dad ahaanba ay burburaan oo khariiradaba laga waayo.

Haddaba aan ku hormarno waxa labada dal ay ka midaysan yihiin:

1. Ukraine dadkeedu waa kala qoqoban yahay ayada oo qayb walbaa rabto in la tixgaliyo dhaqankooda, afkooda iyo ismaamulkooda. Zelensky waxaa loo doortay asaga oo yiri dadkayga qolo walba waa tixgalinaya dhaqan ahaan, af ahaan iyo ismaamul ahaanba, laakiin markii la doortay waxa uu bilaabay dhaqan ah tayda ama qori caarradii. Taasna waa tan keentay in dadkii la tixgalin waayey ay gurmad ka helaan dadkii dad ahaan u xigay ee Ruushka

Soomaaliya sidoo kale Xasan Shiikh waxaa lagu doortay in uu Soomaalida isu keenayo oo mideynayo, waxa uuna halkudhig ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, adduunkana heshiis la ah.”

2. Ukraine waxay ay heshiis amni (Security Agreement) la saxiixatay 15 waddan oo waddan walbaa ballanqaaday in uu xoojinayo ammaanka iyo hubinta in Ukraine ay noqoto waddan is difaaci kara.

15ka Waddan waa:
1. Ingiriiska oo ay la saxiixatay heshiis 100 sano ah; 2. Germany; 3. France; 4. Denmark; 5. Canada; 6. Italy; 7. The Netherlands; 8. Finland; 9. Latvia; 10. Spain; 11. Belgium; 12. Portugal; 13. Sweden; 14. Iceland; iyo 15. Norway

Intaas kuma eka e Ukraine waxay hadda heshiisyo kale oo amni la waddaa 16 waddan oo kale oo kala ah 1. United States; 2. Poland; 3. Turkey; 4. Japan; 5. South Korea; 6. Australia; 7. New Zealand; 8. Romania; 9. Lithuania; 10. Estonia; 11. Czech Republic; 12. Slovakia; 13. Hungary; 14. Bulgaria; 15. Greece; iyo 16. Croatia.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay si joogto ah waddamo dhowr ah ula saxiixatay heshiisyo amni. Dalalka ay la saxiixatay inta la shaaciyey waxaa kamid ah:
1. Itoobiya oo ah cadow soojireen ah oo Soomaaliya, haysatana dhul Soomaaliyeed, haddana damac uga jiro in ay hanato badaha Soomaaliya ayada oo ah dal aanba bad lahayn

2. Imaaraadka Carabta oo aan lahayn taariikh amni sugid, laakiin leh taariikh meeshii uu tago amnigeedu baabo’o, sida Libya, Sudan iyo Yemen

3. Turkiga ayaa asna Soomaaliya la saxiixday heshiis amni oo qoto dheer, laguna wareejiyey illaalinta ammaanka badaha Soomaaliya

4. Kenya ayaa sida waddamada kore ayana Soomaaliya la saxiixatay heshiis amni oo aan nuxurkiisa iyo qodobadiisa toona la shaacin

5. Masar ayaa ah waddanka shanaad

Eriteriya oo xiriir amni ka dhexeeyo Soomaaliya, una tababartay ciidamo, baa sidoo la filayaa in uu jiro heshiis qarsoodi ah oo amni. Eriteriya iyo Itoobiya ayaa isku ah cadow, haddana Soomaaliya saameyn ciidan ku leh.

3. Dhammaan heshiisyada amni ee Soomaaliya iyo Ukraine ay la saxiixdeen dawlado shisheeye haba yaraatee wax amni ah ma ay soo siyaadin, laakiin waxa ay cirka ku sii shareereen tafaraaruqa bulsho ee labada dal

4. Labada Madaxweyne ayaa midna lagu xantaa in uu maandooriyaha burka u eg aad u isticmaalo, midka kalena lagu xantaa in uusan maankiisu taam ahayn

5. Labada dal shacbigooda oo markii labada Madaxweyne la kala doortay aad ugu hanweynaa in uu dadka iyo dalka mideynayo ayaa mid walbaa siyaasaddiisu waxay noqotay dagaal sokeeye iyo kaladhantaal bulsho

6. Labada Madaxweyne oo labaduba aad u buunbuuniya muhiimadda dimoqraadiyadda, midna waqtigiisii waa dhacay oo waa bilaa sharci, kan kalena wuxuu sheegaa meel uusan xukumin oo aan laga rabin in uu doorasho ka qabanayo oo dimuqraadiyaddu Soomaaliya muhiim u tahay, waxa uuna qortay dastuur u kali ah

7. Labada madaxweynaba waxay taageero dhaqaale iyo kuwo milatariba ka helaan dawlado shisheeye, la’aantoodna maalin xukunka ma sii hayn karaan

8. Labadaba waxaa lagu xantaa in ay dawlado shisheeye dalka u joogaan oo aysan dadka doortay matalin

9. Zelensky waxaa qorshaha u dajiya 10 Downing Street

10. Qorshaha iyo kalaqaybinta Soomaaliya waxaa sidoo kale dajiya 10 Downing Street

Haddaba maxay ku kaladuwanyihiin?

1. Zelensky waxaa hadda tuuray dawladdii Mareykanka ee awal garbaha u ahayd

Madaxweyne Xasan Shiikh weli ma wajihin xaalad lamid ah tan Zelensky maanta wajahayo.

Nala qaybso fikirkaaga iyo falcelisba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com