Soomaaliya & Masar oo yeelanaya Iskaashi Millateri

Soomaaliya & Masar oo yeelanaya Iskaashi Millateri

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Masar, Jeneraal Maxamed Axmed Zaki.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga laba wasaaradood iyo Iskaashi Millateri oo ay yeeshaan dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dhigiisa Masar uga mahadceliyay tageerada iyo walaalnimada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labada dowladood, halka Wasiirka Gaashaandhigga dalka Masar dhankiisa uu sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan wax badan oo dhanka Amniga ah.

Dowladda Masar oo kamid ah dowladaha Carbeed ayaa xilligaan waxaa ay khilaaf xoogan kala dhaxeeyaa dowladda Itoobiya oo ay isku heystaan Wabiga Nile, waxaana dowladda Masar ay Gobolka ka raadineysaa xulafo ay la kaashato dagaalka Itoobiya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com