SOOMAALIYA OO LA SAFATAY MAREYKANKA IYO ISRAA’IIL, KANA SAFATAY IRAN

SOOMAALIYA OO LA SAFATAY MAREYKANKA IYO ISRAA’IIL, KANA SAFATAY IRAN

SOOMAALIYA OO LA SAFATAY MAREYKANKA IYO ISRAA’IIL, KANA SAFATAY IRAN

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa saacado kahor hawlgaliyey qaraar lagu soocelinayo cunaqabataynta Iran. Qaraarka “dib-u-celinta” (snap back mechanism) cunoqabateynta Iran ayaa la ansixiyey, taasoo micnaheedu yahay in cunaqabatayntii Iran ay dib u bilaaban doonto 28-ka bishaan Sitembar haddii aysan Iran aqbalin yeerinta Mareykanka iyo Yurub. Mareykanka iyo Yurub ayaa qorshahoodu yahay in Iran ay joojiso hawlaha nukliyeerka ayna baabi’iso gantaalada ridada dheer ee Iran ay kula dagaalanto Israa’iil. Qorshahaas hub-ka-dhigista Iran ayaa Israa’iil ugu magac-dartay qorshaha Libya, kaas oo ka dhigan in Iran la mariyo jidkii Libya hore loo mariyey.

Haddaba sidee loogu codeeyey qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay? Afar dal ayaa kahoryimid in dib loo soo celiyo cunaqabataynta Iran, halka sagaal dal ay u codeeyeen in cunaqabataynta Iran dib loo soo celiyo. Afarta dal ee diiday cunoqabateynta Iran ayaa kala ah Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Aljeeriya. Sagaalka dal ee u codeeyey cunoqabateynta ayaa kala ah Soomaaliya, Mareykanka, Ingiriiska, Denmark, Faransiiska, Slovenia, Panama, Sirrea Leone iyo Giriiga. Waxaa ka aamusay Koonfurta Kuuriya iyo Guyana.

Haddii qaraarku heli lahaa codad ka yar sagaal cod wuxuu noqon lahaa qaraar dhicisoobay.

Qaraarkan ayaa loo arkaa in uu yahay hordhaca wajigii labaad ee dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay rabaan in ay ku qaadaan Iran, maadaama aysan Iran marnaba oggolaan doonin hub-ka-dhigis iyo waliba in ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha iska caabiya Israa’iil ee kala ah Xisbullah Lebanon, Yemen, X^amaas, iyo ururada Ciraaq.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com