Soomaliland oo deegaanadeeda ka mamnuucday Idaacada BBC Soomali

Soomaliland oo deegaanadeeda ka mamnuucday Idaacada BBC Soomali

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inay go’aamiyeen inay joojiyaan in Idaacadda BBC-da ka hawl gasho degaannada Somaliland, kadib markii hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland.

Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta waxaa uu sheegay in idaacadda BBC-da ay ku xadudubtay qaranimada Somaliland, isla markaana ay meel uga dhacday dadka Somaliland, ayna aqoonsan waayeen in Somaliland tahay dal madax bannaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay BBC-da lumiyeen dhaqankii iyo wadashaqeyntii laga dhaxeeyay Shacabka Somaliland, sidaas daraadeedna Shaqadii BBC-da ay ka heyso degaannada Somaliland la joojiyay launa warelinayo dhamaan mas’uuliyiinta Somaliland.

Wasiir Saleemaan Cali Koore si faah faahsan uma shaacin sababaha keentay in degaannadooda ay ka mamnuucaan ka Shaqeynta Idaacadda BBC-da leenteeda Afka Soomaaliga.

Somaliland oo aaminsan in ay ka o’aday Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr jeer waxaa ay degaannadeeda ka mamnuucday inay ka Shaqeeyaan Warbaahino kala duwan walow markii dambe loo fasaxay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com