SUURIYA OO HOLCAYSA KULANKII BAKU EE MADAXWEYNAHA SUURIYA IYO SARAAKIIL ISRAA’IIL KABACDI QARKANA U SAARAN IN AYSAN DAL AHAAN U SII JIRIN

SUURIYA OO HOLCAYSA KULANKII BAKU EE MADAXWEYNAHA SUURIYA IYO SARAAKIIL ISRAA’IIL KABACDI QARKANA U SAARAN IN AYSAN DAL AHAAN U SII JIRIN

Soo laabashadii Madaxweynaha Suuriya uu ka soo laabtay Baku, Azerbaijan, kabacdi, Suuriya ayaa qarka u saaran in aysan sii jirin dal ahaan dagaalo kulul oo sokeeye oo ka bilowday dalka dartood. Ciidamada Suuriya oo u badan xagjirka laga keenay bartamaha Aasiya, qowmiyad ahaana u badan qowmiyadaha Turkic ayaa weeraro culus ku qaaday qowmiyada Duruusta ee Suuriya, taas oo sii dhalisay in qabaa’ilada Carabta ee loo yaqaan Bedowiin ay la saftaan ciidamada Madaxweyne al-Golani. Xusuuq daran oo weli socda, uma suurtoobin in Ciidamada Madaxweynaha Suuriya ay la wareegaan magaalada muhiimka ah ee Suweydo, taas oo iyana suurtagalisay in Duruustu ay difaac adag galaan.

Israa’iil ayaa dhankeeda waxay bilowday duqeymo culus oo ay la beegsanayso ciidamada al-Golani oo ay hore u taageri jirtay. Israa’iil ayaa waxa kale oo ay ku goodisay in ay beegsan doonto madaxweyne Axmed Al-Shaarica. Qorshaha Israa’iil, Mareykanka iyo Turkiga ee taageeradii hore ee al-Golani ayaa lagu macneeyey mid looga danlahaa in lagu kala qaybiyo qowmiyadaha kaladuwan ee Suuriya, markii dantii laga lahaa al-Golani laga gaarayna hadda qarka loo saaranyahay in laga takhaluso.

Israa’iil oo hadda 20 KM u soo jirtsatay Dimishiq ayaa hore u sheegtay in ay la wareegi doonto qaybo badan oo Suuriya illaa xuduudda Ciraaq. Qorshahaan ayaa lagu macneeyey in uu qayb ka yahay qorshaha ‘Greater Israel’ ayada oo la isticmaalayo xagjirka Daac!shta Suuriya oo uu madax u yahay al-Golani.

Marka laga reebo Mareykanka iyo Israa’iil, Al-Golani waxaa taageera oo suurtagaliyey in uu xukunka la wareego Turkiga, Imaaraadka, Qadar iyo Sucuudiga, waxaana maaliyadda ugu badan bixiyey wadamada Khaliijka oo dhammaantood xiriir hoose la leh Israa’iil.

Qorshaha qalalaasaha siayaasadeed ee Soomaaliya ku socday muddo ka badan 30 sano ayaa leh sansaanta Suuriya ayada oo marna bulshada Soomaaliyeed qabiil-qabiil la isugu dirayo, marna laga adeejinayo kooxaha xagjirka ee Daac!sh iyo AS, dhan kasta oo Soomaaliyana uu ka socdo dagaal ka dhan ah xagjirka ama dagaal u dhexeeya qabiilada Soomaalida. Kooxaha Soomaaliya kala taageeraa ayaa ah isla dalalka karinaya qalalaasaha Suuriya, waana dalalka Turkiga, Qadar, Imaaraadka iyo waliba Sucuudiga. Madaxda Soomaalida ayaa ayana leh sansaan adeeg oo ay u adeegayaan danaha shisheeye, badankooduna aysan haysan kalsoonida shacabka Soomaalida.

Sida Suuriya, Soomaaliya ayaa hadda qar ka laalaada, shaki weyna ku gadaamanyahay in ay dal ahaan u sii jiri doonto, ayada oo Turkiga iyo isla dalalka Khaliijku yihiin kuwa kala dhantaalaya dadka Soomaaliyeed, dagaalka siyaasadeed ee madaxda Soomaaliduna yahay mid ku salaysan u kala adeega Turkiga iyo dalalka Khaliijka.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com