Baaq Waxtar Degdeg ah: Taageer Tababarka Xildhibaanada & Senatarada Dawladda Federaalka Soomaaliya
Xildhibaanada Soomaaliyeed garab bay naga rabaan. Aqoon kororsi bay rabaan. Waajibkooda oo ay fahmaan bay rabaan. Xukun-wanaagga oo ay hoggaan u noqdaan bay rabaan. Nagu soo biir oo qayb ka noqo hadafkan oo ah awoodsiinta xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed si ay u siyaadsadaan aqoonta xirfadaha lagama maarmaanka u ah xukun-wanaagga, sida sharcidajinta, caddaaladda, sharci ilaalinta, xuquuqda aadanaha, iyo laxisaabtanka xukuumadda.
Taageeradaada, garab-istaagaaga iyo deeqda aad nagu taageerto waxa ay suurtagalineysaa madaxbannaanida Xildhibaanada iyo Senatarada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay si hufan ugu adeegaan shacabka ay matalaan.
Nagu garabistaag deeq, ha ahaato $1, $5, $10, $50, $100, ama hadba wixii aad awooddo.
Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanada ugu horeeyey baa u baxay Waddanka Netherlands oo ay ku soo baran doonaan Sharci Dejinta, Caddaalada, Isla Xisaabtan ka, Daahfurnaanta iyo Xuquuqda Shacabka.
Ka qaybqaado oo taageer sidii Xildhibaanada Soomaaliyeed u noqon lahaayeen kuwo si dhab ah u matala shacabka Soomaaliyeed. Nagu garag-istaag hadba wixii aad awooddo oo booqo goobaha deeq arurinta ee hoose:
e-Dahab: *113*122344$#
Hormuud Merchant: *789*696171*$#
AF SOOMAALI: Baaq_garabistaag-xildhibaanada1.2
AF INGIRIIS: Urgent_Call_for-support_1.2
Farriintaan waxaa idiin soo gudbinaya Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo matala gobolka Awdal iyo degmada Gebileh iyo hay’dda Horn and East Africa Parliamentary Institute (HAEAPI) | https://haeapi.org/
> Daljir Media
TAAGEER TABABARKA XILDHIBAANADA & SENATARADA DAWLADDA FEDERAALKA SOMAALIYA
COMMENTS