Tahribayaal Somaali iyo Itoobiyaan isugu jirra oo ku dhintay Xeebaha Dalka Yeman

Tahribayaal Somaali iyo Itoobiyaan isugu jirra oo ku dhintay Xeebaha Dalka Yeman

Ugu yaraan 46 qof oo tahriibayaal ah oo Soomaaliya ka dhoofay kuna socday dalka Yemen ayaa doon ay saarnaayeen waxay kula dagtay xeebaha Yemen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale la baadigoobayaa 16 qof oo kale kadib markii doontoodii ay gadoontay, sidaasina waxaa sheegtay Hay’adda Socdaalka Dunida.

Dad mashaqadan ka badbaaday ayaa sheegay in doontu ay saarnaayeen 100 qof oo ay ka soo qaaday dekada magaaladda Boosaaso, dadkan ayaa la sheegayaa inay shaqooyin u doonanayeen dalka Yemen iyo wadamada kale ee Khaliijka, Tahriibayaashani ayaa la sheegayaa inay dhamaantood ahaayeen dad Itoobiyaan.

Hay’ada IOM ee Socdaalka Aduunka ayaa ku waramaysa in doontan ay degtay maalinkii Arbacada, dadka ku dhamaadayna waxaa ka mid ah dumar gaarayay sagaal qof, raguna waxay ahaayeen 37 iyo caruur.

Dad ka mid ah kuwa doonta saarnaa ayaan wadan jaakadaha badda looga badbaado, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah dadka badbaaday

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com