Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo Xoojinaya Tababarka Ciidanka Gorgor

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo Xoojinaya Tababarka Ciidanka Gorgor

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Kuliyadda tababarka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Turkisom, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa si gaar ah Taliyaha iyo Saraakiisha Turkiga ay kaga wada-hadleen Horumarinta iyo dib u dhiska ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Dowladda Turkiga u qaabilsan dhismaha iyo Hormarinta ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kala hadlay in sare loo qaado dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com