Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen maalintii shalay aheyd duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.
War uu soo saaray Talisku ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana duqeynta aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.
Lama sheegin magaca shaqsiga lagu dilay bartilmaameedka weerarka ka dhacay duleedka degmada Jilib.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo hakiyo howlaha iyo dhaq dhaqaaqa argagixisada, isla markaana lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, si dib loo soo celiyo xasilloonida Soomaaliya.
COMMENTS