Taliyaha BooliskaTurkiga oo ku sugan Muqdisho.

Taliyaha BooliskaTurkiga oo ku sugan Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku jooga Taliyaha Ciidamada Booliska ee fuliya howlgallada gaarka ah ee Waddanka Turkiga.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa Isniinta maanta ah shaaca ka qaadday booqashada Taliyaha oo magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Selami Turker, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sarreysay dowladda Soomaaliya waxaana ay wax iska weydiiyeen xiriirka labada dal, wada shaqeynta iyo iskaashiga dhinaca amaanka.

Taliyaha Booliska gaarka ah ee Turkiga Selami Turker, ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay xuska sanadguuradii 76aad ee Booliska Soomaaliyeed oo dhacday 21kii Bishan.

Waxaa kale oo uu mr Selami Turker, ka qeybgalay munaasibadda dhagax dhigga Xarunta Booliska fuliya howlgallada gaarka ee Soomaaliya oo 19kii Bishan uu dhagax dhigay Wasiirka amniga Soomaaliya.

Munaasibaddaas dhagax dhigga waxaa kale oo ka qeybgelay Saraakiisha ugu sarreysa Booliska SOomaaliya iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ka midyihiin Waddamada Bariga Afrika ee ka faa’ideystay tababarka bilaashka ah ee Booliska Turkiga ay bixiyaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com