Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu ku bilaawday dagaal Xabsiga Dhexe ku dhexmaray xalay Qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga iyo Ciidamo ka tirsan ilaalada.
Taliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii qaar kamid ah Maxaabiista oo ku guda jiray Cunto karin ay si xoog ah qorigiisa uga qaateen mid kamid ah ilaalada Xabsiga, kadibna ay toigteen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Maxaabiista ay sidoo kale toogteen askari kale qorigane ka qaateen, taas oo keentay in uu ballaarto dagaalka, hayeeshee ugu dambeyn ay Ciidamada Dowladda dagaalka soo afjareen.
Xaalada Xabsiga Dhexe ayaa saaka degan, waxaana dadka badi ku xiran ay yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo xukuno kala duwan lagu riday.
Diwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS