Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Jubbaland oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Jubbaland oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa waxaa uu Maanta Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Jubbaland.

Wareegto kasoo baxdey Xafiista Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Jubbaland waxaa loogu Magacaabey Gaashaanle sare Cabdiqani Maxamed khalaf.

Magacabistaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,waxaana la ogeyn halka uu ka Shaqeyn doono Maadaama Xarunta sida KMG ah ugu Shaqeeyo Maamulka Jubbaland ee Kismaayo uu Gacanta ku haayo Axmed Madoobe iyo Xubno taageersan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com