Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo gaaray Buulo-burte

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo gaaray Buulo-burte

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray dagmada Buulo-burte ee Gobalka Hiiraan waxaana garoonka kuso dhaweeyay taliyaha Qeybta 27aad Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho).

Ujeedka Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa u salka ku hayaa daahfurka taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Qeybta 27aad ayaa lagu wadaa inay saldhig weyn ka furato magaalada Buuloburte oo ah magaalo go’odon ah oo ay ku hareereysan yihiin deegaano ay ka taliyaan ururka Alshabaab.

Magaalada Buuloburte ayaa waxaa shalay gaaray Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com