Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaano dhawaan laga saaray Al shabaab oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee loo yaqaano Afjar ay ka bilaabeen aagga degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Al shabaab looga saaro tuulooyinka Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.
Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in Al shabaab muddo kooban looga saarayo deegaanada ay ka joogaan gobollada Shabeellooyinka
COMMENTS