Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca

Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca

Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay beegsaday Xerada tababarka Ciidamada ee Janeral Dhagabadan Ex Warshadda Nacnaca, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro loo diyaariyay inay kamid noqdaan Ciidamada dowladda Soomaaliya tababarna loo qaado.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Soonna oo kamid ah Warbaahinta dowladda ayaa qortay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay ku dhinteen 5 qof 11 kalana ay ku dhaawacmeen, balse xogaha Risaala ay heshay ayaa sheegay in in ka badan 15 Ruux ay ku dhinteen qaraxa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaameedkii uu u socday.

Taliyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago weerarada Al-Shabaab, xilli meelo badan oo dalka ah ay Al-Shabaab ku wajahayaan dagaalo kaga imaanaya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo istiraatijad weyn ugu fadhiyay ayna ka soo qorsheeyn jireen qaraxyada iyo weerarada ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Gobolada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com