GALMUDUG: Taliyihii Ciidanka Danab oo ku geeriyooday dagaalka Guriceel (daawo)

GALMUDUG: Taliyihii Ciidanka Danab oo ku geeriyooday dagaalka Guriceel (daawo)

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel, ayaa xaqiijinaya in dagaalka lagu dilay taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug Dowladda Soomaaliya Cabdiladiif Faysal.

Dagaalka ayaa xoogiisa Waxa uu ka socdaa gudaha Magaalada Guriceel, Waxaana Ahlusunna ay soo qaaday weerar rugaal celis ah.

Gaari uu lahaa taliyaha qeybta 21-aad Gen Mascuud ayaa sidoo kale galay gacanta Ahlusunna.

Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka ayaa maanta xilli hore qabtay Guriceel inteeda badan.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada.
Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com