Talyaaniga oo abaar ku dhufatay darteed xaalad degdeg ah geliyay 5 Gobol.

Talyaaniga oo abaar ku dhufatay darteed xaalad degdeg ah geliyay 5 Gobol.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Mario Draghi ayaa kulan degdeg ah ka yeelatay xaaladda abaarta ah eek a taagan Gobollada Waqooyiga dalkaas dhaca oo saameyn taban ku reebtay abaarta ka dhalatay Roobka oo yaraaday iyo dhulka oo qalalay.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa sheegay in Xukuumadda Xaalad degdeg ah gelisay Shanta Gobol ee kala ah: Emilia-Romagna, Friuli-Venezia Giulia, Lombardy, Piedmont iyo Veneto ilaa 31ka December oo ah maalinta ugu dambeyso 2022.

Mario waxa uu sheegay in Dowladda ay bixineyso lacag dhan €36.5 Milyan (Soddon iyo lex dhibic shan Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $39.5 Milyan (Soddon & sagaal, dhibic shan Milyan oo Doollar).

War kasoo baxay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Draghi ayaa lagu sheegay in xoogga la saarayo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Beeraleyda ah ee dhibaatadu ku heysto Gobollada xaaladda degdeg ah loo aqoonsaday in la geliyo.

30% waxsoosaarka Dalka Talyaaniga waxa ay Xukuumadda dedaal gelin doontaa sidii ay u dabooli lahayd culeyska ka imaanaya waxsoosaarkaas hoos u dhacaya, tii oo ay usii dheer tahay in lagu dedaalo wax u qabashada Dadka abaartu saameysay.

Xukuumadda ayaa sababta Abaarta ka dambeysa ku tilmaamtay in ay tahay mid ka dhalatay is baddelka Cimilada, Golaha Wasiirada ayaa joogta uga warqabaya waxyaabaha kasoo kordha shanta Gobol ee Xaaladda degdega ah la geliyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com