Dagaal Ruushka lala galo oo markii hore uu u sacabo-tumayey Ingiriisku, markii danbana Faransiisku nukliyeerkiisa miiska soo saaray, ayaa hadda waxaa ku soo biiray Talyaaniga.
RW Talyaaniga Meloni ayaa markii ugu horraysay waxay la timid gad horleh oo furaya albaabka in dagaal lala beegto Ruushka, ayada oo soojeedisay in Ukraine lagu daro hab difaaca NATO ayada oo aan loo oggolaan in ay noqoto xubin NATO. Haddii si kale loo diyaaraahdo, Meloni waxay soojeedisay in NATO ay difaacdo Ukraine, laakiin taas waxaa hore u diiday Mareykanka.
Qorshaha Yurub ayaa u eg mid ay rabaan in ay Mareykanka maalinba gad horleh ku tijaabinayaan illaa Trump ka oggolaanayo in Ruushka toos loo weeraro, taasna ay keeni doonto dagaalkii saddexaad ee adduunka iyo ayadoo nukliyeer lagu dagaalamo.
Hoggaamiyaasha Yurub ayaa hadda waxaa ka go’an in ay Ruushka la dagaalamaan, laakiin aan hayn tabartii iyo tabtii dagaal toona.
> Daljir Media
COMMENTS