Tariifada Trump & Saamaynta Adduunka

Tariifada Trump & Saamaynta Adduunka

Dmitry Medvedev, Madaxweynihii hore ee Ruushka haddana ah Kuxigeenka Golaha Ammaanka, ayaa sharraxaya saamaynta tariifarada ama canshuuraha Trump ku soo rogay caalamka.

Qoraal uu bartiisa soo dhigay ayaa u qornaa sidan: “Trump waxa uu si aan la qiyaasi karin u qalloociyey nidaamka ganacsi ee caalamka isaga oo adduunka ku soo rogay canshuuro cusub oo tariifada badeecadaha ah. Arrinkaan caalamka oo dhan saameyn buu ku yeelan doonaa. Dalalka uu canshuuraha ku soo rogay jawaabcelin bay ku soo rogi doonaan badeecadaha Mareykanka. Silsiladdii hore ee ganacsiga waa la jabin doonaa, waxaana abuurmi doonaa gaashaanbuur cusub oo ganacsi.

Arrinkaan anagana Ruush ahaan sidee noo saamayn doonaa?

Ruushku hadda wax ganacsi ahba lama laha Mareykanka, ama xataa Midowga Yurub, maxaa yeelay ganacsigii noo dhexeeyey oo dhan waa la cunaqabateeyey. Saas oo ay tahay waxaan ku tallaabsanay horumar keenay in rubucii hore ee sannadkaan 2025 dhaqaalaheenu kobco ku dhawaad 3%.

Marka annagu falcelin isaga soo boodda ah uma baahnin. Sida filasoofarkii dagaalka ee Shiinuhu Lao Tzu hore u sheegay, waxaan kursi dhiganeynaa xeebta, waxaana sugaynaa meydka cadawga oo soo caariya. Xaaladda maanta lagu jiro meydadka qudhmay ee soo caarin doonaa waa dhaqaalaha Modowga Yurub.”

Soomaaliya maxay ka baran kartaa Ruushka? Intii aan u kala ordi lahayn rag is haya, ma habboontahay in aan annana kursi sii dhigano Xeebaha Bossaso, Berbera iyo Xamar, oo aan halkaas naacawda leh ku sugno meydadka soo caarin doona?

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com