Tigreega oo hubka culus ku wareejiyey Dawlada Ethiopia

Tigreega oo hubka culus ku wareejiyey Dawlada Ethiopia

Heshiiskii Dawlada dhexe ee Ethopia iyo Maamulka tigreega ayaa shalay si rasmi ah loo dhaqan galiyey ka dib markii Tigreegu ay Dawlada ee Federalka Ethiopia ay ku wareejiyeen hubkii waaweynaa ee ay gacanta ku hayeen Dawlada Ethiopiana ay fulisay shuruudihii Maamulkaas hor dhigay oo ay ka mid aahaayeen in Ciidanka Eratria laga saaro gudaha deeegaannada Tigreeega .

Heshiiska oo loo yaqaan Pretoria Peace Agreement ayaa waxaa lagu saxiixay Koonfur Africa 2 Novembar 2022 waxaana ka soo shaqeeyey Midowga Africa tan iyo wixii xilligan ka danbeeyey waxaa caadi ku soo laabtay xaaladda nololeed ee shacabka tigreega oo gaarey halkii ugu xumay .

Dawlada Federalka Ethiopia ayaa gobolka Tigreega 2 sano ka dib u fasaxday Adeegga Internetka iyo taleefanka ku hadalka waxaana sidoo kale ay sheegtay in la dayactirayo kaabayaasha dhaqaalaha ee dagaaladii adkaa ku burburay.

Gobolka waqooyiga Ethopia oo 2 sano ka hor ahaa midka ugu hornarsan Ethopia ayaa hada ah kan ugu liita dalka Ethopia waxaana ka dhacay gabood fallo waaweyn oo Hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay ka dayriyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com