Somalia, November 16, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Nov-16-2015 daah furay Shir looga hadlayey Toddobaadka Caalemiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga kaasoo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga Puntland iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.
Shirka ayaa waxaa sidookale kasoo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi , Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Madasha ka hadlay ayaa Tilmaamay Qiimaha uu leeyahay barnaamijka Hal-abuurka Gacansiga iyo muhiimadda uu u leeyahay Horumarinta ganacsiga Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidookale Abbaaray in horumarka ay bulsho gaartaayi uu ku xiranyahay Hal-abuurkooda ganacsi ee ay dheer yihiin adduunyada kale loona baahanyahay in marwalba lafdhabar laga dhigto sidii loo abuuri lahaa ganacsi cusub.
Toddobaadka Caalemiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga ayaa waxa laga xusaa adduunka oo dhan hase ahaatee waa markiii ugu horaysey ee laga xuso gudaha waddanka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.
COMMENTS