TOLO SOOJEEDIN KU SOCOTA MADAXWEYNE SICIID CABDILLAAHI DENI.

TOLO SOOJEEDIN KU SOCOTA MADAXWEYNE SICIID CABDILLAAHI DENI.

Mudane Madaxweyne Marka Hore waxaan kaaga mahad celinayaa Dagaalkii Dheeraa ee aad ku Xoreysay in badan oo kamida deegaanada Puntland sigaar ah Buuraha Calmiskaad oo aad taariikh kasoo hoyday.

Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa ilaa 7 qodob oo aan u,arko inay yihiin muhiim.

1: Dadka shacabka ah oo ku nool Deegaanada Puntland way Cabanayaan ee cabashadooda Hoos u,eeg.
Sida Ganacsiga , Dhaqaalexumada Waxbarashada , korontada , Biyada IWM.

2: Madaxweyne inta aad Tala hayso wakhtigana hayso Dhamaystir Doorashooyinkii Qof iyo Codka ahaa iyo Sharcigii looga Guuri lahaa Doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Puntland.

3: Madaxweyne waxaan dhegeystay ilaa 3 ama 4 Khudbadood oo aad jeedisay intaba waxaad ku difaacaysay arimaha Soomalilaand iyo waxa ay Tabanayaan.
Madaxweyne Sida aynu Ognahay Cabashada Soomalilaand waxay utaal Soomali oo dhan Adigana wax xil ah oo kaa saaran majiraan ee waxaan kugula talin lahaa iskadaa Kahadalka Soomaalilaand.

4: Madaxweyne waxaan Ku xusuusinayaa Madaxda Soomalilaand iyo Siyaasiyiin teedu ineysan Puntland u,aqoon sanayn Maamul Gobodeed Dhamaystiran oo Soomaliya Kamida Marka ay hadlayaan waxay yiraahdaan Maamulka Garoowe IWM.

5: Madaxweyne waxaan talo kuugu soo jeedinayaa Maamulka Khaatumo inaad ku dhawaaqdo inay yihiin maamul Gobodeed Kamida Soomalia
Horayna Dadaalka aad ugashay waan ognahay.

6: Madaxweyne waxaan Kuu soo jeedinayaa inaad dadkaaga isku wadato Dhaqan kooda iyo Culumadooda iyo Siyaasiyiin Tooda IWM.

Gabagabo,

Madaxweyne dadka reer Puntilaand meel kasta oo ay joogaan Shirweyne Nabadeed uga baaq
Kana shaqay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii hore iyo kuwa hada jiraba inta aan lagaarin Doorashada Dawladda Fedaraalka Soomalia.

7: Shacabka Puntland waxaan ugu baaqayaa iney lashaqeeyaan Dawladda iyo Laamaha Amaanka waxaan idiinku baaqayaa inaad iscafisaan oo Gacmaha is qabsataan punlaand Guul iyo Horumar ayaan urajaynayaa

W/Q Suldaan Maxamuud Suldaan Jamac

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com