Wadahadalka oo lagu sheegay kii ugu dheeraa ee khadka taleefoon oo ay yeeshaan laba madaxweyne oo Ruushka iyo Mareykanka ayaa arrinka ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey, sida Trump sheegay, wuxuu ahaa “in la joojiyo duqeymaha warshadaha shidaalka iyo tamarta ayadoo rajadu tahay in la gaaro xabbad-joojin rasmi.”
Heshiiska intiisa kale ayaa u ekaa mid ah isu soo dhawaansho labada dal oo dagaal khakhaar uu ka dhexeeyey, dagaalkaas oo Mareykanka iyo NATO oo dhami ay uu adeegsanayeen Ukraine in ay ku jabiyaan Ruushka, laakiin ay ayagu si ba’an ugu guuldareysteen.
Su’aashu hadda waa, maxaa xigi doonaa? Saadaashu ma fiicna maxaa yeelay Yurub ma oggolo heshiis, bangiyada Mareykankuna oo ah kuwa leh badi bangiyada adduunka ayana waa sidoo kale. Dhanka Mareykanka, Trump ma ahee dawladda inteeda kale qorshaha Yurub waa la isku raacsanyahay, waxaana jira baqdin ah in qorshe kasta oo Trump la yimaado la fashilin doono. Illaa uu Trump dawladda Mareykanka si fiican ula wareego ama Ruushku uu toos Ukraine ula wareego la fili mayo xabbad-joojin heshiis ku timaada.
Wadahadalada labada Madaxweyne waxaa kale oo kamid ahaa dagaalada Bariga Dhexe, ma se jirto weli wax faahfaahin rasmi ah oo la soo saaray.
Daljir mar dhow kala soco faahfaahinta shirka iyo sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushku u baahisay.
> Daljir Media
COMMENTS