TRUMP, KHAYRAADKA SHIDAALKA, MASIIXIYIINTA NIGERIA & HANJABAADO DIINI AH OO HORLEH
Mareykanka oo hore looga bartay siyaasad ku saleysan khayraadka dabiiciga, siiba shidaalka, oo la weeraro dalalka Alle ku manaystay khayraad daabici ah, ayadoo marmarsiinyuhu yahay ‘dimoqraadiyad’ ahna mabda’a lagu xalaalaystay weerarada dalalka Islaamka, sida Suuriya, Ciraaq, Sudan, Liibya, Iran, Falastiin (Qasa), ayaa hadda waxaa ku soo biiray diinta masiixiga. Ujeedada ayaa lagu macneeyey haddii dal khayraad leeyahay, dadkuna yihiin Muslimiin iyo Masiixiyiin, waa in la abuuro qorshe lagu weeraro dalkaas si loo xalaalaysto khayraadka.
Nigeria ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyey oo lagu tijaabinayo qorshe diimeedka cusub ee diinta Masiixiga iyo shidaalka. Maanka ku hay in Suuriya iyo Qasa oo dadku isugu jiraan Muslimiin iyo Masiixiyiin ay Mareykanka iyo xulufadiisu, siiba Isral iyo IS^IS, ay si ku talagal ah u abbaaraan barakicinta Masiixiyiinta.
Donald Trump oo arrinkaas khayraadka dabajooga ayaa hadda ku hanjabaya inuu joojin doono gargaarka Mareykanka ee Nigeria, isagoo ku eedeeyay dowladda Nigeria inaysan wax ka qaban dilka lagu hayo Masiixiyiinta. Nigeria ayaa qani ku ah shidaalka.
Venezuela oo hadda Mareykanku ku goodinayo in uu weerarayo waa dal Masiixi ah, laakiin Alle ku manaystay khayraadka shidaalka. Venezuela oo aan diin loogu soo gabban karin waxaa lagu qoray bogga dimoqoraadiyada.
Dhanka Nigeria, Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa sheegay inuu amar ku siiyay Pentagon-ka (Wasaaradda Dagaalka) in ay “u diyaargaroobaan tallaabo suurtagal ah” oo ka dhan ah Nigeria, sababo la xiriira “xasuuqa Masiixiyiinta.”
Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku “si degdeg ah oo xoog leh” u geli doono Nigeria si ay “u tirtiraan argagixisada Islaamiga ah” ee dhibaatooyinka u geysanaya Masiixiyiinta. Mareykanka ayaa hore loogu xamanjiray in uu si hoose u taageero kooxaha argagaxa ka wada dalkaas.
Trump ayaa qoray, “Haddii aan weerarno, wuxuu noqon doonaa mid degdeg ah, arxan daran, oo waliba macaan — sida ay argagixisadu u weeraraan Masiixiyiinteena Qaaliga ah!”
Trump ayaa ku sii daray hanjabaad ah, “DOWLADDA NIGERIA WAA INAY DEGDEGTO!”
Nigeria ayaa beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aysan jirin cid si gaar ah loo bartilmaameedsanayo.
Mareykanka iyo Faransiiska oo hore loogu eedeeyey in ay si hoose u taageeraan argagixisada Galbeedka Afrika ayaa ciidamadooda laga cayriyey dalalka Mali, Niger iyo Burkina Faso, taasina waxay dalalkaas u horseeday in ay dhakhso u burburiyaan fariisimihii ugu weynaa ee argagixisada.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS