Ruushka oo xalay illaa saaka duqeyn xooggan ku hayey Ukraine ayaa Trump saaka waxa uu hal mar la soo booday, “Ruushku aad buu u garaacayaa Ukraine, sidaas darteed waxaan hadda tixgalin gooni ah siinayaa sidii Ruushka loo saari lahaa cunoqabateyn baaxad weyn oo dhanka bangiyada, tariifada iyo canshuuraha ah illaa Ruushku ka oggolaado xabbad-joojin iyo heshiis rasmi ah.”
Trump ayaa hantaaticiisa ku soo gabagabeeyey, “Ruushka iyo Ukraine I dhegaysta, miiska hadda soo fariista intay goori goor tahay. Mahadsanid!!!”
Trump ayaad moodda inuusan warba u hayn in Ruushka ay saarantahay cunoqabateyn tii ugu darneyd dhan ganacsi iyo dhan bangiba, haddana aysanba jirin xiriir ganacsi oo la sheegi karo oo ka dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka.
Mid kale oo aad moodid in uusan Trump ogayn ayaa ah dagaalkaan waa mid u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka, waana mid Mareykanku bilaabay, maamulo, hubeeyo, lacageeyo, oo haddana khariiradiisa dajiyo.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Labo kala bariday, kala war la’!” Putin iyo Trump kala war la’.
> Daljir Media
COMMENTS