Trump oo Putin ka Codsaday in aan la Layn Kumannaan Askarta Ukraine oo Go’doon la Galiyey

Trump oo Putin ka Codsaday in aan la Layn Kumannaan Askarta Ukraine oo Go’doon la Galiyey

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo wadahadalkii Madaxweynaha Ruushka Putin kabacdi qoraal bartiisa soo dhigay, waxa uu sheegay, “Shalay wadahadal aad u bilan baa na dhexmaray Madaxweynaha Ruushka Putin, waana suurtagal in dagaalkaan dhiigga badani ku daatay uu dhammaado – LAAKIIN, WAQTI XAADIRKAN, KUMANNAAN CIIDAMADA UKRAINE WAXAA HAREEREEYEY CIIDAMADA RUUSHKA, GALIYEYNA XAALAD AAD U XUN IYO BOOS BA’AN. Waxaan aad uga codsaday Madaxweyne Putin in noloshooda la badbaadiyo. Haddii aan la badbaadin waxaa dhici doono xasuuq daran oo aan la arag, kana daran kii waagii Dagaalkii Labaad ee Dunida. Alle ha barakeeyo dhammaantood!!!”

Madaxweynaha Ruushka oo la hadlaya Golihiisa Ammaanka, kana jawaabaya codsiga Trump ayaa sheegay, “Haddii ay isdhiibaan ama ay dawladoodu ku wargaliso in ay isdhibaan, waxaa loola dhaqmayaa si sharaf leh.”

Putin waxaa kale oo uu sheegay in ay jirto rajo fiican oo lagu soo celin karo xiriirkii xumaaday ee Ruuskha iyo Mareykanka, kuna sii daray, “Trump dadaal buu wadaa, mana aha hawl dhibyar oo xaalado adag baa taagan, laakiin aan sugno oo aragno wixii ka soo baxa.”

Sidaan maqaalkeenii hore ku faahfaahinay (https://www.facebook.com/share/p/1EKS6nTRK5/), Trump waxaa u taal hawl adag, waxaana ku furan dagaal adag oo kaga socda gudaha Maraykanka ayna u dhanyihiin reer Galbeed oo dhan, laakiin ah dagaal maaliyadeed oo bangiyadu hormuud u yihiin. Dagaalka uu Trump ku bilaabay USAID iyo hay’adaha sirdoonka ee saddexda xarafna ma aha mid loogu hiilinayo adduunka 3aad ee waa mid uu Trump ugu diyaargaroobaya dagaalka ku soo fooleh.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com