TRUMP OO XIRAY VOA: VOA Somali Awal Maxay Soomaali ugu Tooraneyd?

TRUMP OO XIRAY VOA: VOA Somali Awal Maxay Soomaali ugu Tooraneyd?

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xirmaya albaabada gumeystaha, dhaqaale darro soo wajahday dalalkii loogu yeeri jiray “Waddamada Horumaray” darteed. VOA ayaa hadda noqotay hay’addii ugu danbeysay ee dawladda Mareykanka oo albaabada la isugu laalo.

VOA ayaa danaha iyo aragtida Mareykanka ku faafin jirtay waddamada ay danaha ka leeyihiin, laakiin danaha siyaasadda gudaha ee Mareykanka oo iskahorimaad darani ka jiro darteed iyo waliba dhaqaale xumo ayaa ugu danbeyn keentay in albaabada la isugu xiro hay’adihii garbaha u ahaa sirdoonka Mareykanka, sida USAID iyo VOA.

Wali waxaa hawada ku jira BBC Somali oo ayadu si toos ah u hoostagta dawladda Ingiriiska. BBC oo ayana sannado badan la daalaadhaceysay dhaqaale xumo daran ayaa qaybo badan albaabada isugu dhufatay, jadwalkii BBC Somaligana ku soo koobtay maalmo cayiman, laakiin sida la filayo ayana aan sii jiri doonin, sida VOA.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com