TRUMP OO YURUB U SOO JEESTAY, KUNA SHEEGAY URUR LOO DHISAY IN LAGU DHACO MAREYKANKA

TRUMP OO YURUB U SOO JEESTAY, KUNA SHEEGAY URUR LOO DHISAY IN LAGU DHACO MAREYKANKA

TRUMP OO YURUB U SOO JEESTAY, KUNA SHEEGAY URUR LOO DHISAY IN LAGU DHACO MAREYKANKA

Waa se maxay gunta dagaalka dhaqaale u dhexeeya Mareykanka iyo Yurub?

Waxaa tartiib-tartiib isu soo taraya qorshaha Trump oo lagu sheegay mid uu Yurub dhaqaale ahaan u burburinayo, asaga oo ku khasbaya shirkadaha waaweyn ee Yurub in ay u soo guuraan Mareykanka.

Qorshaha Mareykanka ayaa ah mid laba afle ah oo markii hore Yurub ka jaray shidaalkii raqiiska ahaa ee Ruushka, haatana ku khasbaya shirkadaha Yurub in ay u soo guuraan Mareykanka. Waloow ay jiraan shirkado waaweyn oo Jarmal ah oo u soo guuray Mareykanka, sida SIEMENS, kuwa aan weli soo guurin ayaa Trump maanta waxa uu sheegay in laga bilaabo 1da Juun uu Yurub ku soo rogayo tariifo dhan 50%.

Shirkadaha Yurub, siiba kuwa Jarmalka, oo awal albaabada la isugu dhuftay shidaal la’aan darti, waxa ay haatan ku khasban yihiin in ay u guuraan Mareykanka maadaama aysan ka bixi karin tariifo dhan 50%.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo ahaa qorshe dheer oo biloowday sannadkii 2002, sii xoogeystay teemkii koowaad ee Trump sannadihii 2017-2021, laakiin sannadba sannadka ka danbeeyey sii xoogeysanayey, laguna rabay in Ruushka lagu jabiyo si khayraadkiisa loo boobo, ayaa reer Galbeedku ku fashilmay. Fashilka dagaalka Ukraine ugu danbeyn waxa uu keenay in Mareykanku meel cidla ah kaga dhaqaaqo Yurub.

Dagaalka Mareykanka iyo Yurub kuma eka dhanka dhaqaalaha e waxaa kale oo jira dagaal hoose oo dhanka lacagta, siiba Eurodollar-ka. Waa hawl fahamkeedu ku qalafsanyahay qofka aan dhaqaalaha adduunka aqoon, laakiin haddii aan si kooban u sharraxno Eurodollars waa Doolarka USD ee daafaha dunida laga isticimaalo, sida lacagta Doolarka ee Soomaaliya taal, mana ah mid hoostagta Bangiga Dhexe ee Mareykanka, waxay se hoostagaan Bank of England iyo Bank of International Settlements (BIS). Lacagta Eurodollar waa ay ka badantahay tan taal Mareykanka, Mareykankuna ma leh awood uu ku maamulo, waana sababta Mareykanku uu haatan u qorsheynayo in uu daabaco Doolar gooni u ah dalka Mareykanka oo kaliya.

Awoodda Yurub ee dhanka Eurodollar-ka waa mid u suurtagalin karta in markii ay Yurub damacdo ay ridi karto qiimaha Doolarka, waana tan uu Trump dagaalka kaga jiro asaga oo aan marnaba shaacin sababta.

Dagaalka dhanka lacagaha ayaa lagu macneeyey mid Mareykanku kula dagaalamayo bangiyada Yurub, laakiin bangiyada Yurub oo qarniyadii la soo dhaafay adduunka maamulanayey, Mareykankana si dadban u maamusha, ayaa la saadaalinayaa in aan si sahlan looga adkaan karin.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com