TURKIGA OO BEEGSANAYA DADKA REER PUNTLAND TARXIILEYNA QOFKII UGU HOREEYEY

TURKIGA OO BEEGSANAYA DADKA REER PUNTLAND TARXIILEYNA QOFKII UGU HOREEYEY

Maxamed Cabdimaajid Samatar oo ah arday Soomaaliyeed oo jaamacad ka dhigta Turkiga, uuna dhalay Agaasimaha Guud ee Dekedaha Puntland, oo maalmo kahor la xiray sabab la’aan, ayaa saacado kahor la soo wariyey in laga soo masaafuriyay Turkiga.

Reerka iyo ehelada Maxamed Cabdimaajid ayaa sheegay in aan wax dambi ah lagu eedeyn, laguna soo oogin, ayna rumaysanyihiin sababta kaliya ee loo masaafuriyay ay tahay inuu ka soo jeedo Puntland, uuna dhalay Agaasimaha Guud ee Dekedaha Puntland.

Dowladda Turkiga oo warar hoose sheegeen in ay ku lugleedahay markabka Sea World ee hubka sharcidarrada ahi ku raranyahay, safiirka Turkiguna uu si hoose ula soo xiriiray Puntland, una hanjabahay Dawladda Puntland, ayaa hadda loo aaneynayaa in masaafuriskaan uu yahay tallaabadii ugu horreysay ee ay ku beegsaneyso muwaadiniinta Puntland.

Saas oo Safiirka Turkigu ugu ololeynayo siideynta markabka, haddana illaa iyo hadda Turkigu ma uu soo saarin bayaan dawladeed oo qeexaya cidda hubka iska leh iyo doorka Turkiga.

> Daljir media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com