Turkiga oo ciidamo u diray dalka libya

Turkiga oo ciidamo u diray dalka libya

Dowladda Turkiga ayaa cutubyo ka tirsan ciidankeeda u dirtay wadanka Libta, si ay taageeraan dowladda uu aqoosan yahay caalamka.

Turkiga iyo libya ayaa horey ugu heshiiyey iskaashiga dhinacyada amniga iyo ganacsiga.

Ciidamo fara badan oo Turkiga ayaa la sheegay inay dhanka badda Meditrean-ka kaga dhaqaaqeen dhinaca iyo Libiya, si ay tartiib-tartiib ugu siqaan dalkaasi.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo wareysi siiyay Fiidnimadii Axadii Telefishinka CNN ayaa sheegay in Ciidamada Turkiga ay ka qeyb qaadan doonaan tababarka iyo taageerida dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez Al-serraj, taasoo muddooyinkii u dambeeyay wajaheysay dagaalo kaga imaanayay Ciidanka uu hoggaamiyo Jen. Khalifa Haftar.

Erdogan ayaa sheegay in Ciidamada Turkiga ay dhisi doonaan xarun howlgal, ayna xoogga saari doonaan isku duwida iyo tababarka Ciidamada, sidoo kale wuxuu caddeeyay in si tartiib tartiib ah ay ciidamadii u horeeyay ee Turkiga ah ugu ambaxeen Libiya, kaddibna ay raaci doonaan Ciidamo kale oo dheeraad ah.

Hadalka Mr. Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamaanka Turkiga uu Khamiistii ansixiyay qaraar ciidan loogu dirayo Libya, iyadoo Bishii la soo dhaafay Turkiga uu heshiis dhanka dhaqaalaha ah la saxiixday Tripoli, waxaana dowladda al-Serraj ay codsatey kaalmo militari.

Golaha Ammaanka ee Qaramaad Midoobay ayaa fadhi ka yeelanaya maanta oo Isniin ah xalaadad dalka Libya, si wax looga qabto dagaalada sokeeye ee dalka libya.

Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhici doona wadanka Ruushka, iyadoo intiisa badan looga hadlayo xaaladda libya iyo ciidamada Turkiga u diray Libya.

Ciidamo uu hogaaminayo Jeneraal Khalifa Haftar ayaa weeraro xoogan ku qaaday bishii April ee sanadkii 2019 dowladda uu aqoosanyahay caalamka

Jeneraal Khalifa Haftar ayaa waxa uu taageero ka heystaa dowladaha Masar, Imaaraatka Carabta iyo Ssacuudiga.

Dowladda uu aqoosanyahay Caalamka ee libya ayaa dhankeeda taageero ka hesha dowladaha Qatar iyo Turkiga.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com