Turkiga oo diyaaraddii 3aad oo agab caafimaad sida u soo diray Soomaaliya

Turkiga oo diyaaraddii 3aad oo agab caafimaad sida u soo diray Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa diyaaraddii 3aad oo sida qalab caafimaad u soo dirtay Soomaaliya, kaasoo loogu tala galay in lagula tacaalo cudurka Covid-19.

Diyaarad kuwa milateriga oo siday qalabkan ayaaoo saaka soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasiirka Caafimaadka Fowziyo Abiikar iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda C/qaadir Maxamed Kheyr.

Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ay wehliyeen Saraakiil Milateri ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta qalabkan.

Qalabka caafimaad ee maanta soo gaaray Muqdisho ayaa ka koobnaa sariiro, firaash iyo qalabka dhaawacyada lagu qaado.

Maalin ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale Turkiga soo gaarsiiyay Muqdisho agab caafimaad uu ku jiro qalabka Oksijiinka

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com