Turkiga oo rajo ka muujiyay Wada hadalada Soomaaliya & Itoobiya

Turkiga oo rajo ka muujiyay Wada hadalada Soomaaliya & Itoobiya

Wada-hadallada Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa noqday kuwo adag la isku mari waayay , iyadoo in ka badan 12 saac oo ay socdeen , ayaa la go’aamiyy in dib la isugu soo laabtomaanta , iyadoo mar kale wada-hadalladan uu labada dhinac Turkiga u kala dab-qaadayo ay dib u furmayaan saakay.

Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

Turkiga ayaa ku howlan sidii looga miro dhalin lahaa wada xaajoodka dawladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana ilaa hadda socda dadaal xoog leh oo wada hadalada la doonayo in ay guul keenan.

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee Turkiga ANADOLU, wada hadalka Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya ayaa qaadan kara muddo dheer.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo dhex dhexaadinaya labada dhinac, ayaa shirka ku sugan, waxaana wararka ay sheegayaan in waxyaabaha la isku mari la’yahay ay kamid yihiin, sida ay Ethiopia galaangal ugu yeelanayo biyaha Soomaaliya.

Ergada Soomaaliya ayaa ka dalbaday Ethiopia inay heshiiskaas ka noqoto, kaddibna ay labada dal gaaraan heshiis cusub oo ay damaanad ka tahay dowladda Turkiga.

Qdobada lagu hayo ee shirka xal ka gaaristooda ayaa qaadan kar waqti ka badan iyadoo dowladda Turkiga ay isku dayeyso inay soo afjarto xiisadda, islamarkaana dhinacyadu ay gaaraan heshiis rasmi ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com