Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sanadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa .
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya in si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo helo nabad iyo xasillooni.
Maamulka Recep Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo kooxda TPLF. Baaqan ayaa imanaya xilli dalal ay ka mid yihiin US,UK iyo Belgium ay ku baaqeen xabad joojin.
COMMENTS