Tuulada GEELLAA oo hoostimaada degmada TULIGUULEED waxaa maanta lala beegsaday weerar, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay wiil iyo gabadh shacab ah.
Geellaa waxa ay hostimaadaa Tuliguuleed waxaa se iminka la wareegay oo deggan shacab Oromo ah oo ay soo dajiyeen ciidamada milatariga federaalka Itoobiya. Geellaa waxa ay 3KM dhanka galbeedka ka jirtaa degmada Tuliguuleed.
Shacabka maanta weerarka lala beegsaday, qaarna lagu dhaawacay ayaa ah kuwii hore looga barakiciyey tuulada GEELLAA iyo degmada JINACSANI oo ay hadda Oromodu si toos ah ula wareegtay.
Odayaasha Tuli ayaa maamulka Jigjiga ku eedeeyey in ay qayb ka yihiin dhibka lagu hayo deegaanka Tuli iyo Jinacsani. Hoos ka daawo shir jaraa’id oo ay maanta Jigjiga ku qabteen.
#3 Odayaasha Tuliguuleed iyo cabashadooda ka dhanka ah Madaxweyne Mustafe Cagjar. Maxay se ka yiraahdeen cidda hortaagan nabadda laga dhexwado Soomaalida & Oramada iyo caqabadaha lala beegsanayo si aan nabad loo helin?
Xigasho RTNTV@faisalroble19 @AhmedRobleh4 pic.twitter.com/mBzDGa0hCR— Radio Daljir (@radiodaljir) November 3, 2019
#2 Nabadda laga dhexwado Soomaalida & Oramada dhanka deegaanka Tuliguuleed & Jinacsani yaa hortaagan oo aan raalli ka ahayn, haddana hordhigay caqabado horleh?
Xigasho RTNTV@faisalroble19 @AhmedRobleh4 pic.twitter.com/2nsgcIcdqN— Radio Daljir (@radiodaljir) November 3, 2019
#1 Nabadda Tuliguuleed yaa hortaagan oo aan raalli ka ahayn, haddana hordhigay caqabado horleh?
Xigasho RTNTV@faisalroble19 @AhmedRobleh4 pic.twitter.com/377HzRJt40— Radio Daljir (@radiodaljir) November 3, 2019
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga
COMMENTS