Henry Kissinger, Wasiir hore oo arrimaha dibadda Mareykanka (1973-1977) oo ka digaya dhibaha waaweyn ee ka dhalan kara markii dawladi saaxiib dhow la noqoto Ameerika ayaa isaga oo taas ka digaya yiri, “Waa khatar cadiim in aad cadow ku noqoto Mareykanka, laakiin in aad noqoto saaxiib dhow oo Ameerika baaba ka sii daran oo dhimasho qarka kuu saari karta (It may be dangerous to be America’s enemy, but to be America’s friend is fatal).”
Ukraine markii ay amarka Mareykanka qaadatay oo rumeysatay in Ameerika tahay saaxiibkeeda kowaad, kuna soo biiri doonto gaashaanbuurta NATO, oo haddana aqbashay in ay Ruushka weerarto si ay u noqoto saaxiib dhow oo Ameerika, waxay illoowday in dib-u-jaleecdo digniintii Henry Kissinger.
Maanta Trump oo u warramaya Fox News ayaa farriin u diray Ukraine, yirina, “Ukraine waxaaba laga yaabay inay maalin un noqoto Ruush, waana laga yaabaa in aysan noqon. Laakiin aniga waxaa ii daran wixii lacag aan siinay waa in aan dib u helaa, waana u sheegay keena lacagtii (“They may be Russian some day, or they may not be Russian someday. But we’re gonna have all this money in there, and I say I want it back).”
Ukraine-tii rajo ka lahayd in ay waligeed ahaato saaxiib dhow oo Mareykan maanta waa loo yaabaa in ayba dal ahaan u sii jiri doonto, oo kaagaba daran e digniintu ma aha mid ka timid Putin iyo Ruushka ee waa mid ka yimid madaxweynaha saaxiibkoodii aad ugu dhawaa.
> Daljir Media
COMMENTS