Ummadaha adduunku sidee ula dhaqmaan masuulkii, Madaxweyne ama Raysul Wasaare, xoolaha dadweynaha ku aroosiya carruurtiisa ama ku naaxiya qaraabadiisa?
Aan maanta tusaale u soo qaadano RW Mangolia oo wiilkiisu aroosay. Wiilkiisu haba aroose, arooskiisii kabacdi waa soo ifbaxay in uu wiilku u aroosay sidii nin taajir ah, wuxuuna dhigay xaflad si sare loo soo agaasimay, xaaskiisuna waxay xiratay labbis aad qaali u ah. Markii sawirada aroosku soo shaacbexeen waxaa biloowday kacdoon bulsho oo la isweydiinayo meesha wiilka Raysul Wasaaruhu ka keenay maal intaas le’eg, waxaana isla markiiba farta lagu fiiqay RW dalka. Taasina waxay markii dambe keentay in baarlamaanku arrinka soo dhexgalo, la baaro musuqa Raysul Wasaaraha, ugu danbeyna uu Raysal Wasaaruhu iscasilo.
Haddaba waligaa ma isweydiisay sababta Soomaalidu aysan marnaba ula xisaabtamin madaxdooda? Markii arooska gabadha Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka dhacay Villa Somalia ma aragtay wax ka dhiidhiyey? Suurtagal ma tahay in Soomaaliya meel gaarto inta masuul walbaa khasnadda dawladda ka dhiganayo sidii maal uu asagu gooni u leeyahay? Haddii aadan diidan musuqa baahay ee Soomaaliya yaad ka sugaysaa in uu diido oo uu xoolaha ummadda ka xishoodo, dalkana ka difaaco dib-u-dhacyada ka dhasha musuqmaasuqa?
> Daljir Media


COMMENTS