Ururka Haweenka Aqalka Sare oo doortay guddoon Cusub

Ururka Haweenka Aqalka Sare oo doortay guddoon Cusub

Munaasabada lagu dooranayay guddoonka cusub ee Ururka Haweenka ee ku jira Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ururka Haweenka ayaana sameeyey isbedel ku aadan dhanka guddoonka maadaama uu waqtigiisu dhamaaday gudoonkii hore,waxaana la doortay,guddoomiye2 kuxigeen iyo Xoghayah guud oo uu yeesho ururkaasi.

Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa loo doortay guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Golaha Aqalka Sare,halka Faadumo Xasan Aadan iyo Nuura Saalax Jaamac iyana loo doortay gudoomiye kuxigeenko.

Sidoo kale Fartuun C/qaadir Karaama ayaa loo doortay in ay noqoto Xoghayaha guud ee Ururkaasi halka )Khasnajiga Ururka ayaa loo doortay Samsam Ibraahim Cali.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com