Ururka NUSOJ oo tababar Garoowe uga furay saxafiyiin

Ururka NUSOJ oo tababar Garoowe uga furay saxafiyiin

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta magaalada Garoowe tababar soconaya Saddex maalmood uga furay, 35 Wariye oo isugu jira Wariyayaal ka hawlgala xarumaha Warbaahinaha ee Garoowe iyo Suxufiyiin madax banaan.

Tababarka ayaa lagu baranayaa horumarinta Suxufiyiinta iyo kor u qaadista Tayadda Saxaafadda iyo sidii loo cirib tiri lahaa wararka been abuurka ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, Xildhibaan Maxamed Siciid Cali, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sh Aduun), iyo masuuliyiin kale ayaa NUSOJ kala qaybgalay furitaanka tababarka.

Sidoo kale furitaanka tababarka waxaa Online uga qaybgalay u qaabilsanaha xiriirka Dadweynaha ee Safaarada Maraykanka ee Muqdisho Taylor Tinney.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa marti sharaftii furitaanka tababarka u faahfaahiyey ujeedada tababarkan oo ay iska kaashanayaan NUSOJ iyo Safaarada Maraykanka ee Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com