VILLA SOMALIA VS PUNTLAND: Xasan Shiikh oo Laascaanood kula kulmay Isimada Puntland
“Haddii Waqooyi Bari la dhisay waxaa la joogaa wakhtigii Puntland dib loo eegi lahaa, oo la dhisi lahaa Puntland Cusub oo laga Saaray Sool & Sanaag si looga fogaado Isku dhac dadka Puntland iyo Waqooyi Bari,” Fariinta Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud xalay la wadaagey Madaxda dhaqanka Puntland ee uu Laascaanood kula kulmay.
Madaxweynaha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa xalay Laascaanood kula kulmay Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, iyo Masuuliyiin katirsan Dawladiisa oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kuwaasoo uu kala hadlay qodobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Mashaariicda Puntland ka xaniban, Khilaafka Puntland iyo Villa Somalia, iyo Mustaqbalka Puntland ay ka rabto Villa Somalia kadib dhismaha WB Somalia.
Mashaariicda ka xaniban Puntland
Madaxweynaha ayaa Hogaanka Puntland ku eedeeyey inay iyagu leeyihiin sababta xanibaada mashaariicsa, Isagoo sheegay in Madaxda Puntland si toos ah u diideen inay qaataan mashaariicda kuwaasoo qaarkood ay la noqdeen deeq bixiyayaasha qaarna hadda qarka u saaran yihiin in la celiyo.
“Mashaariicda Madaxda Puntland baan ogolayn, iyagoo shacabka u sheegaya in anagu aan diidney, Anagu maanu diidin waan idiin xaqiijinayaa Qaarkood waxay u xaniban yihiin saxiixa Wasaarada Maaliyada Puntland, qaar baa sidii saxiixa looga sugayey lala noqday, shacabkiina waxay u sheegayaan inaan anagu xanibney”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
Qaar kamid ah ka qaybgalayaasha kulanka oo waydiiyey sababta ay shacabka ugu cadayn waayeen Warka uu hadda sheegayo wuxuu u sheegay inaysan muhiim ahayn inay warbaahinta soo fariistaan oo sida wax u jiraan oo dhan sheegaan, balse ay cid walba oo waxgarad ah warka u cadeeyeen si lamid ah sida uu hadda ugu sheegayo. “Anaga masuuliyad baa na saaran, nama qabato inaan warbaahinta soo fariisano oo la murano oo dhahno waa beentooda laakiin xaqiiqda waa taas Wasiirada, Xildhibaanada iyo cid walba oo reer Puntland ah oo Federalka katirsan waa og yihiin,” ayuu yiri.
Khilaafka Villa Soomaaliya iyo Puntland
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu ku dheeraaday waxyaabaha khilaafku salka ku hayo, wuxuu odayaasha iyo masuuliyiinta kale u sheegay inuusan jirin Khilaaf u dhexeeya Puntland iyo Madaxda Federalka, bal se ay jirto doonis shaqsi oo uu leeyahay Madaxweynaha Puntland taasoo uu ku tilmaamay mid aan waafaqayn danta guud.
“Anaga ma jiro cid aan necebnahay, cid aan dhib la rabno, faragelin aan wadno iyo amaan-darro aan Puntland la jecelahay, haddana uma socono inaan faragelino, marbaan damacnay inaan dhexdhexaadino Mucaaradka iyo Xukuumada Puntland 2023, markaana si kalaa loo fasiray shacabkii baa nalaga horkeenay, haddana idinka Odayaasha dDaqanka masuuliyad baa idin saaran in Puntland aysan noqon meel Soomaali midnimadeeda laga wiiqo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Aragtida Villa Somalia ee Mustaqbalka Puntland
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo aad ugu dheeraaday dhismaha Waqooyi Bari, Muhiimada uu leeyahay maamulkaasi iyo mudnaantiisa garabistaag loo sameeyo, ayaa si cad ugu dhiibey odayaasha la kulmay farriin nuxurkeedu ahaa inay abaabulaan shirweynaha dib-u-eegista Puntland oo lagu qaabeeyo nidaamka dawladnimo ee Puntland sida ka muuqata nuxurka hadalkiisa.
“Maadaama Waqooyi Bari dhisantay oo hadda maamul noqotay waxaa muhiim ah in Puntland dib loo eego maadaama deegaanadan hore Puntland qayb uga ahaayeen, hadda waa la joogaa wakhtigii la dhisi lahaa Puntland cusub oo laga saaray Sool & Sanaag, waa inaan laga shaqayn isku dhac labada shacab ee walaalaha ah (PL & WB) oo maamulkana (Waqooyi Bari) la siiyo fursad uu deegaankiisa kaga shaqeeyo,” ayuu si cad u yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Wadahadalka labada dhinac oo aad u dheeraa wuxuu ku soo dhammaaday jawi degan oo u muuqdey in la isku fahmey waxyaabihii laga wada hadlay dhamaantoo. Isimada kulanka ka qaybgalay ayaa u badan kuwo ay aragtida ku kala fogaadeen hoggaanka Puntland.
Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa qorshayaal xawli ku socda oo isugu jira kuwo ciidan iyo kuwo siyaasadeed ka wada gudaha Puntland, dhammaan gobolada Puntland min Gaalkacyo illaa Boosaaso ayaa lagu diyaariyey ciidamo ka amarqaata Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo siyaasi ah oo gudaha ka socda, halka Madaxweynaha Puntland u muuqdo mid indhaha ka daawanaya waxa socda oo aysan muuqan falceliskiisa siyaasadeed oo arrimahaasi ku aadan.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir


COMMENTS