?Waa arrin muuqata khilaafka u dhaxeeya Al-shabaab? Xassan Daahir Aways.

?

Moqdisho, May, 17, 2013 ? Xassan Daahir Aways ayaa markii ugu horaysay waxaa uu qiray jiritaanka khilaaf wayn oo ka dhexjira kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh shabakada Al-qaacida.

Xassan Daahir Aways oo waraysi gaar ah siiyay telefishinka Somalichannel ayaa sheegay inay dhawaan soo saareen bayaan ay uga digayaan khilaafaadka ka dhex-oogan kooxda Al-shabaab, waxaana uu farta ku fiiqay shaqsiyaad gaa ah oo uu ku tilmaamay inay majaro habaabiyeen taladii iyo go?aannadii kooxda Al-shabaab.

Mar uu ka hadlayay dil la shaaciyay in Al-shabaab ay u gaysteen horjeege ka tirsanaa ajaanibta ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Al-Amiiriki dilkiisa ayuu yiri ?Al Amiiriki waa uu nool-yahay, hase ahaatee waa la sigay, waxaana xilligaan ku raad-joognaa inaan gacanta kusoo dhigno raggii ka dambeeyay isku daygii la rabay in lagu khaarajiyo? Sidaasina waxaa yiri Xassan Daahir.

Xassan Daahir ayaa mar la waydiiyay dilka culumada islaamka ah ee Soomaaliyeed oo lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab waxaa uu yiri ?Dhiig badan oo xaqdarro ah ayaa daadanaya, taas ayaana ka digeynaa?.

Hadaladaan kasoo yeeraya horjoogayaasha kooxda Al-shabaab ayaa u muuqda sida ay u wiiq-mayso marba marka ka dambaysa awoodii ay Soomaaliya ku lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com