Waa Maxay Sababta Madaxweyne Xasan Shiikh uu Jagada Wasiirka Gaanshaandhigga uga Qaaday Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur, Mareykanku se Talo intee Le’eg buu ku lahaa Xil-ka-xayuubinta Wasiirka?
Loolanka cusub ee Mareykanka iyo Turkiga oo saameeyey dagaalka al-Shabaab
Waxaa isa soo taraya wararka sababaha Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur looga qaaday jagada Wasiirka Gaashaandhigga loona geeyey Dekedaha kuwaas oo lugta la galay xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya iyo waliba loolanka ka dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka.
Haddii si kooban loo yiraahdo Mareykanku waxay dhowr jeer ka digeen xiriir dhow oo ay shaki ka muujiyeen oo ka dhexeeya Wasiir Cabduqaadir iyo dawladda Turkiga, kaas oo ay uga shakiyeen in wasiirku ka agdhowyahay sirdoonka Turkiga, uuna fuliyo danaha Turkigu ka leeyahay Soomaaliya. Wasiir Cabduqaadir waxa uu si fiican ugu hadlaa afka Turkiga, waxa uuna hore uga soo baxay Jaamacadda Ankara ee Turkiga.
Dhanka Turkiga ayagu waxay Wasiir Cabduqaadir u arkaan saaxiib dhow oo Turkiga, intii uu jagada hayeyna waxa uu suurtagaliyey in Soomaaliya iyoTurkigu kala saxiixdaan heshiis ammaanka oo aan weli la horkeenin barlamaanka. Wasiirku waxaa kale oo uu suurtagaliyey in ciidamada badda ee Turkigu la wareegaan ammaanka badda Soomaaliya, baddalkiisana ay shidaal ka baaraan xeebaha Soomaaliya.
Sidii heshiisyadaas labada dal loo kala saxiixday waxaa hoos-u-dhac weyn ku yimid iskaashigii Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dirirka argagixisada al-Shabaab ee koonfurta dalka. Sida ay qortay jariirada MEE, Mareykanka ayaa tiro dhowr jeer ah ku cadaadiyey Madaxweyne Xasan Shiikh in uu xilka ka qaado Wasiir Cabduqaadir sababo la xiriira xiriir-xumo dhanka Mareykanka iyo asaga oo ay ku eedeeyeen in uu aad ugu janjeera danaha Turkiga oo kaliya. Mareykanka intaas kuma harin e waxa uu dalbaday in uu helo nuqul heshiiska ammaanka ee lala saxiixday Turkiga, taasna uma suurtoobin.
Mareykanka oo aad uga walaacsan xiriirka labada dal ayaa waxaa haddana sannadkii hore soo shaacbaxay in Turkigu uu Soomaaliya ka dhisanayo saldhig sawaariikhda dayax-gacmeedka, taasina waxay ay Mareykanka ku abuurtay walaac horleh oo uu ka qabo qorshaha Turkiga, asaga oo saldhigga u arkay mid u sahlaya Turkiga in uu hormar ka gaaro nooca sawaariikhda dagaalka ee meel kasta oo dunida gaari kara (ballistic missile).
Arrimahaas oo isbiirsaday iyo walaaca sii kordhaya ee Mareykanka waxa ay keeneen in Mareykanku uu faraha kala baxo caawinadii uu Muqdisho ka caawin jiray la dagaalanka argagixisada al-Shabaab, waxa uuna ku xijiyey walaaca uu ka qabo duqeymo horleh oo al-Shabaab la beegsato Gegida Aadan Cadde, taas oo keentay in diyaarado caalami ah oo ay ku jirto Turkish Airlines ay joojiyaan imaanshaha Xamar.
Mareykanku intaas kuma joojin e waxa uu jaray kharash-bixintii ciidamada uu sida gaarka u tababaray ee Danab oo hadda aan loo hayn cid mushaarkooda bixisa. Sannadkii hore bishii April Mareykanku waxa uu jaray raashinka Danab ayaga oo saraakiisha gaashaandhigga illaa iyo Villa Somalia ku eedeynaya in ay musuqmaasuqeen raashinkii ciidamada (https://x.com/radiodaljir/status/1783642834496536811). Taas waxaa ku sii xigay al-Shabaab oo daafaha Xamar u soo dhawaata, shalaydaana isku deyday dilka Madaxweyne Xasan Shiikh, saakana mar kale duqeysay Xalane. Tallaabooyinkaas ayaa lagu macneeyey farriimo loo dirayo Madaxweyne Xasan Shiikh.
ANOTHER FRAUD EXPOSED AT SOMALIA’S MINISTRY OF DEFENSE, MINISTRY PLEDGES TO INVESTIGATE ITSELF
The US government has halted food and fuel aid to Danab Forces of the Somali National Army after finding out that corruption is also rampant at the Ministry and the aid was being sold… https://t.co/6rU6Mz1yaK pic.twitter.com/Jsw1IrDCbl
— Daljir Media (@radiodaljir) April 25, 2024
Madaxweyne Xasan Shiikh ugu danbeyn waa helay, waana fahmay farriinta Mareykanka, waxa uuna ku dhiiraday in uu xilka ka qaado Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur, una Wareejiyo Wasaaradda Dekedaha.
> Daljir Media
COMMENTS