WAA MAXAY SABABTA UU MADAXWEYNE XASAN SHIIKH MAXAMUUD U KALA GEYNAYO DADKA SOOMAALIYEED, DALJOOG & QURBOJOOGBA?
Madaxweyne Xasan Shiikh oo hore aan u qarsan in uu dadka Soomaaliyeed ee gobolada dalka si kutalagal ah u kala-geynayo ayaa xalay munaasabad ka dhacday Xamar ku caddeeyey mowqiskiisa qofka noqon kara muwaadin Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri, “War wiilyahow ama gabaryahow, haddaad baasaboor ajnabi ah wadatid Soomaali ma ahid. Soomaali ma ahid. Aqoonsi yaa lagu noqdaa Soomaali. Muuqaal laguma noqdo iyo af Soomaali inaad ku hadashid.”
Hadalkan ayaa Soomaalidu aad uga carootay, waxaana ka dhashay caro ballaaran, gaar ahaan qurbo-joogta, kuwaas oo door muuqda ku leh horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada ee dalka, gobol kasta oo Soomaaliya kamid ah. Waxaaba la dhihi karaa meesha kaliya ee maanta Soomaali ka fayowdahay waa qurbajoogta, dhan dhaqaale, bulsho iyo dhan waddaniyad.
Dhanka qofka ah muwaadin Soomaaliyeed, dastuurka Soomaaliya wuxuu aqoonsanyahay in muwaadinku yeelan karo laba-jinsiyadood, saas oo ay tahay Madaxweyne Xasan Shiikh sida uu dastuurka u badashay ayuu u rabaa in uu badalo qofka noqon karaa muwaadin Soomaaliyeed, taasina waxay si toos ah uga horimaanaysaa sharciga dalka iyo xaqiiqada nololeed ee malaayiin Soomaali ah oo qurbaha ku nool.
Hadalka Madaxweynaha ayaa haatan Soomaalidu u aragtaa kala-qaybin bulsho tii ugu darneyd, sidaas darteedna maanta bulshada Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan, “Horta Madaxweynuhu ma danaha iyo midnimada ummadda iyo tan qaranka Soomaaliyeed ayuu u adeegayaa, mise wuxuu u adeegayaa ajende shisheeye oo lagu burburinayo Soomaalinimada iyo qofka loo aqoonsan karo Soomaali?
Haddii aad u kuurgasho waxa maanta ka socda dunida reer Galbeedka oo ah kalaqaybin bulsho, cunsuriyad, iyo qorshaha dawladaha reer Galbeedka ee ah qofkii ka horyimaada danaha dawladda iyo kuwa Israa’iil in lagala noqonayo baasaboorka, ma suurtagal baa in qorshaha Madaxweyne Xasan Shiikh uu qayb ka yahay qorshahaas, yahayna mid waafaqsan kan reer Galbeedka, kaas oo ah haddii aad ka hortimaado dawladda baasaboorka ku siiyey, ogow mid kale ma aad heli doontid?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS