Waa sidee maanta xaalada magaalada Boosaaso?

Waa sidee maanta xaalada magaalada Boosaaso?

Xaalada Magaalada Boosaaso oo muddo saddax maalmood ah dagaal kasocday ayaa maanta degan, waxaana ka dhaqan gashay xabad joojintii ay shalay ku dhawaaqeen Isimada Dhaqanka ee Puntland.

Waxaa dib usoo laabtay isku socodkii dadka iyo gaadiidka, balse wali waxaa jira dad badan oo ku maqan magaalooyinka ku dhow Boosaaso oo aan wali dib usoo laaban, halka dadkii awooda u waayay inay ka baxaan magaalada intii uu dagaalku socday ay ku suganaayeen xaafado kabaxsan halka uu dagaalku ka socday.

PSF iyo dowladda ayaa shalay qoyasas ku suganaa Boosaaso gaarsiiyay mucaawino.

Halkan ka daawo sawirada saaka Daljir ay kasoo qaaday Boosaaso.

Beeldaaja Maxamed Beeldaaje Ismaciil ayaa sheegay inay rajeynayaan in nabadayntu sida ugu dhaqsiyaha badan udhaqan gasho oo loo dhameeyo, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada in ay bulshada barakacday Caawiyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com