Waxaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilaawday shir lagu xalinaayo beelihii dhawaan dagaalada ay ku dhex-mareen degaano hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada Beelood iyo Saraakiisha Guutada 4aad ee Ciidanka ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Kulanka goobjoog ka ah, iyaga oo ka ariinsanaya sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laab laabtay.
Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle o kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga goobtii lagu dagaalamay, balse Odayaasha dhaqanka labada dhinac looga baahan yahay inay xal ka gaaraan.
Dagaalkii dhawaan labada maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux, waxaana dhawaan la kala dhex-dhigay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya
COMMENTS