Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa duulaankooda Mosul hadda ka wada qeybo kooban oo ay magaaladaasi muhiimka ah uga sugan yihiin xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.
Waxaa la filayaa in dhawaan ay dowladda dalkaasi si rasmi ah u shaaciso qabsashada gebi ahaanba magaaladaasi.
Ciidamada Ciraaq oo ay hawada ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee xulafada Maraykanka ayaa tan iyo 17-kii Oktoobar ee sanadkii hore waxa ay isku dayayeen in ay qabsadaan Mosul.
Ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa bishii Juun ee 2014 waxa uu Mosul kaga dhawaaqay “Khilaafo” uu sheegay in ay ka arimiso Ciraaq iyo Suuriya, haseyeeshee sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga qabsanayay dhul ballaaran oo ka tirsan labadaasi dal.
Radio Daljir
COMMENTS